Sabti 08-02-2025 {HMC} Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamtay warar dhowaanahaan la isla dhex maraayay baraha Bulshada kaa oo ku saabsanaa in Ciidamadii Puntland ee kusoo dhaawacmay dagaalka Daacish ay Dowladda u diiday in lasiiyo Baasaboorka dalka maadama safar caafimaad oo dibadda ah looqaadayay.
Agaasimaha laanta Hay’adda ee Puntland Cabdullaahi Cismaan Fu’aad. ayaa sheegay in daacayad tahay wararka baraha Bulshada la wareejinayo ee ah in askari kusoo dhaawacmay Dagaalka Daacish Baasaboor loo diiday, waxa uu xusay in xitaa shalay oo Jimco ahayd oo shaqada laga fasaxnaa loo shaqeenayay ciidamadii Puntland ee kusoo dhaawacmay dagaalka si loogu dadejiyo sidii ay Baasaboorka u heli lahaayeen.
“Muwaadinka Soomaaliga ah xaq Dastuuri ah ayuu u leeyahay inuu helo Baasaboorka, Muddo Kooban ayaan Garowe kasoo maqanahay, waxaana u taaganahay sidii aan ciidamadeeni u garab istaagi lahayn, mana jirto cid Baasaboor loo diiday waana daacayad, cadow kula dagaalamaya iyo midka ku shaki gelinaya waxaa daran midka shakiga dadka ka dhex abuuraya” ayuu yiri Agaasimaha laanta Hay’adda ee Puntland Cabdullaahi Cismaan Fu’aad.
Dhinaca Kale Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya Mustafa Dhuxulow ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish, waxa uu tilmaamay inay dhaqan gelinayaan fariinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ah in waqtigaan adag si weyn loo garab istaago ciidanka Puntland.
Mustaf Dhuxulow ayaa uga mahadceliyay Shaqaalaha Hay’adda sida weyn ay maalmihii lasoo dhaafay ee hagar la’aanta ah iyo waqtiga dheeraadka ah ay kubixiyeen inay u adeegaan Ciidamada Puntland ee iyagu kusoo dhaawacmay dagaalka ka socda Buuraha Gobolka Bari.