spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta oo Ceerigaabo Wado laami ka Hirgalinayo

Sabti 08-02-2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay dhinac taagnaayeen Xildhibaanno, Wasiirro, iyo Guddiga Dhismaha Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa Dowladda Isutagga Imaaraatka kala wareegay Laamiga (Daamur) lagu dhisayo waddadaas.

Cabdirisaaq Axmed ayaa sheegay in Markabkaan kusoo xirtay Dekedda Boosaaso uu kusoo beegmay waqtigii baahida loo qabay, waxa uu Guddiga dhismaha Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo faray uu dadejiyo dhismaha waddadaas si loogu dhammeystiro muddo kooban sida uu hadalka u dhigay.

“Tallaabo kasta oo horumar ah waxa ay u baahan tahay adkeysi iyo dulqaad, Dhismaha waddadan waa himilo shacabka Puntland u mideysan yahay, waxna nagama hortaagna in aan dhammeystirno muddo kooban.” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland.

Waxa soo jeediyay in laga qaybgalo sidii looga gungaari lahaa howshaan oo muhiimad gaar ah u leh isku xirka deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland gudaha & Dibadda, waxa uu ka maamul ahaan tilmaamay in ay xoogga saarayaan sidii loo dadejin lahaa shaqada ka socota waddada ceeldaahir-ceerigaabo.

“Horumar ma yimaado haddaan la haysan himilo fog iyo dadaal joogto ah. Puntland way ka go’an tahay inay dhameystirto waddadan, waana waajib saaran dhammaanteen.” ayuu hadalkiisa kusii daray Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay isku dhinac wadeyso dagaalka ka dhanka ah Daacish ee xooggiisa ka socda Buuraleyda Gobolka Bari iyo horumarinta adeegyada Bulshada, mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedkaas ayaa soo jeediyay in aan loo kala harin howlahaan is dulsaaran sida ay hadalka u dhigeen.

WARARKA