spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} MD Guudlaawe Oo Kormeeray Laamiyadda laga Hirgelinayo Magaalada Jowhar

Sabti 08-02-2025 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray laamiyada waa weyn ee laga hirgelinayo magaalada Jowhar.

Injineerada iyo shaqaallaha dhismaha shirkadda Adeegsan ayaa ku gudajiray shaqadda waqtiga uu kormeerayey Madaxweynaha.
Wejiga 1-aad ee diyaarinta jidadka ayaa gabogabo ah goobaha qaar waxaana lagu wadaa dhawaan in lagu bilaabo laamiga.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa soo indho-indheeyay dhammaan jidadka ay shaqadda ka socoto
“Waxaan kormeeray jidadka ay shaqadda ka socoto dhawaan ayaa lagu bilaabi doonaa laamiga. Arrintan waxa ay gacan ka geysan doontaa isku-socodka iyo qurruxda magaalada Jowhar.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dadka shacabka inay u dulqaataan muddada ay shaqadda socoto

WARARKA