Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza.
Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah.
Trump ayaa xoojiyay soo-jeedintiisii ahayd in Maraykanku uu qabsado oo dib u dhiso Gaza, inkastoo ay saraakiisha Aqalka Cad isku dayeen inay yareeyaan tallaabadaas.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aan loo baahnayn ciidammo Maraykan ah si looga dhigo Gaza “mid ka mid ah horumarrada ugu waaweyn uguna cajiibka badan ee noociisa ah ee adduunka”, halka Falastiiniyiinta loo rari doono “guryo cusub oo casri ah oo ku yaalla gobolka”.
Inkastoo ay jirto iska-caabbin caalami ah oo xooggan, hadallada Trump ayaa kiciyay rajooyin muddo dheer soo jiitamayay oo ay Israa’iil qabtay oo ah in dadka reer Gaza laga saaro dhulka xeebta ah ee ay qarniyo badan deggenaayeen.
Dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun ayaa diiday inay martigeliyaan mid ka mid ah labada milyan ee qof ee ku haray Marinka burburay, iyagoo sheegay in tallaabadaasi ay si xun u wiiqi doonto dhismaha dawlad Falastiiniyiin ah.
Laakiin habeenkii Arbacada, Israel Bachar, qunsulka guud ee Israa’iil u fadhiya Koonfur-galbeed ee Baasifigga, ayaa sheegay in la tixgelinayo meelo kale oo loo raro.
“Sida aan maqlayo, waxaan ka hadlaynaa saddex dawladood oo kala duwan,” ayuu Bachar u sheegay CBS News. “Oo hadda waxaad heli doontaan war muhiim ah.”
“Waxaan ka hadlaynaa mid [oo ku taal] Morocco, laba [oo ku taal] Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland, si gaar ah Puntland waa meesha ay fiirinayaan, laga yaabee, inay dadka u raraan saddexdaas meelood.”
Dadka reer Gaza ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph inaysan qorsheyneyn inay ka tagaan guryahooda oo ay aadaan Soomaaliya, ama meel kale, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay isku day lagu doonayo in isir sifeyn lagu sameeyo.
Sarkaal Israa’iili ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay inay tahay “mid aad u degdeg ah” in laga hadlo meelaha suurtagalka ah ee loogu talagalay ka-qaxidda ikhtiyaariga ah.
“Haddana, dabcan waxaa jira iskaashi heer sare ah oo u dhexeeya Trump iyo Ra’iisul Wasaaraheena arrinta ku saabsan.”
Amit Segal, oo ah weriye Israa’iili ah oo xog-ogaal ah, laguna tiriyo inuu ku dhow yahay Benjamin Netanyahu, ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay baarayso tallaabooyin ay Falastiiniyiinta ugu dirayso Puntland, Somaliland, iyo Morocco.
“Labada hore waxay raadinayaan aqoonsi caalami ah, tan saddexaad waxay ka walaacsan tahay inay sii haysato aqoonsiga madax-bannaanideeda ee Saxaraha Galbeed, dhammaan saddexduna waa dalal ay ku badan yihiin Muslimiin Sunni ah,” ayuu yiri.