Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Wiil Soomaali ah, oo afar jir ahaa markii uu xubintiisa taranka ama guskiisa ku waayay caabuq daran oo ka dhashay gudniin, ayaa hadda dib u helay noloshiisii caadiga ahayd, kadib qalliin loogu sameeyey magaalada Hyderabad ee dalka India.
Waxay aheyd markii ugu horreysay ee gobolka Telangana, dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaallada Medicover ay dib u dhiseen xubinta gebi ahaanba go’day, iyagoo soo celiyay dareenkii iyo shaqadii uu lahaa, una suurageliyey 19-jirkan inuu nolol caadi ah ku noolaado.
Kaddib markii xal loogu waayay dalal badan oo uu tagay, bukaanku wuxuu la tashaday dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaallada Medicover. Dr. A.V. Ravikumar, oo ah khabiir sare oo dhinaca kaadi-mareenka iyo cudurrada ragga ah, iyo Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka plastic-ga ah, kuwaas oo si wadajir ah u qorsheeyay, uguna guuleystay qalliin aad u adag oo dib-u-dhisid ah.
Qalliinkan oo socday 10 saacadood, laguna sameeyay mikroskoob, ayaa waxaa xubinta lagu dhisay unugyo laga soo qaaday gacanta, taasoo u sahashay bukaanka inuu dib u helo awooddii uu sida caadiga ah ugu kaadin lahaa.
Dr. A.V. Ravikumar ayaa sheegay in bukaanku uu haatan awood u leeyahay inuu si caadi ah u kaadiyo, halka Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar uu isna xusay in bukaanku uu si buuxda u soo ceshaday dareenkii xubinta, isla markaana lagu rakibay qalab ka caawiya inuu kaco (penile implant), taasoo u saamaxaysa inuu nolol galmo oo caadi ah ku noolaado.
“Sannado badan, waxaan ahaa qof murugaysan, oo dareemaya inuusan dhammaystirnayn. Maanta, waxaan dib u helay sharaftaydii, kalsoonidaydii, iyo fursad aan nolol caadi ah ku noolaado,” ayuu yiri bukaanka oo magaciisa la qariyey.