spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaal Maanta Ka dhacay Gobolka Hiiraan

Jimco 07-02-2025 {HMC} Dagaalo gobalka Hiiraan ka bilowday waabigii hore ee Saakay ayaa soo gaaray gabaldhaca maanta oo jimco ah.

Dagaaladaan oo aad u cuslaa waxay ka socdaan inta u dhaxeysa deegaanada laamiga ku dhidhirsan Beera_yabaal iyo Hareera deegaanka Jiciboow oo Hoostaga Degmada Buulo_burte.

Dadka deegaanka oo garab ka helaya, Ciidanka xooga dalka oo is garabsanaya iyo Kooxda As, ayuu u dhaxeeyaa dagaaladaan saacadaha badan Socda.

Khasaaro aan wali si rasmi ah loo ogeyn ayaa ka dhashay dagaalka oo kala gaaray dhinacyada wada dagaalamaya, waxaase xusid mudan iyo dagaalka ay guulo ka sheegteen CXD iyo Hogaamiye yaaaha ciidanka Macawisleydda.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye oo dagaalka ka hadlay wuxuu sheegay in inta badan deegaanadii lagu dagaalamay haatan ay gacanta ku hayaan ciidanka is garabsanayay Kooxda ay ka qabteen Maxaas iyo hub.

Dhinaca kalle Taliyaha Q:27aad ee Ciidanka xooga dalka ayaa sheegay in lagu guuleystay dagaalkii Maanta dib ay kasoo saari doonaan warbixin marka dagaalka uu soo gabagaboobo.

 

WARARKA