spot_imgspot_imgspot_img

Sidee Ayeey Shacabka Gaza uga fal-celiyey qorshaha loogu soo rarayo Soomaaliya?

Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Shacabka Gaza oo ka hadlay isku dayga la doonayo in loogu soo raro Soomaaliya ayaa wargeyska The Telegraph u sheegay in isku dayada lagaga saaraayo Marinka aysan “marnaba guuleysan doonin”.

Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza.

Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah.

“Ma garanayo sababta ay Soomaaliya iyo Marocco u doorteen, iyo in dalalkani ay oggolaadeen inaan Gaza ka soo qaxno, laakiin Israa’iil waxay damacsan tahay inay qabsato Gaza, ayna ballaariso, kana dhisto deegaanno ay Yuhuuddu degto,” ayuu yiri Axmed al-Hato, oo 50 jir ah, kuna nool magaalada Gaza.

“Dawlad Falastiiniyiin ah ayaan dhisan doonnaa, marnabana kama qaxayno Gaza.”

“Runtii, waan ka xumahay waxa aan sheegi doono,” ayay tiri Saamiya al-Faqawi, oo 27 jir ah, kuna nool Khaan Yuunis, laakiin “in Soomaaliya loo doorto dal aan dhulkeenna uga soo haajirno, magangalyana ka raadsanno waa wax lagu qoslo”.

Wuxuu Axmed yiri: “Soomaaliya waa dhul aad u sabool ah, waana dhul oomane ah… Waxaan kula talinayaa kuwa ka hadlaya barakicinteena inay fahmaan sida ay nolosheennu tahay, ayna ogaadaan inta aan jecelnahay Gaza, uguna xirannahay.”

Maxamed al-Batniji, oo 55 jir ah, kana soo barakacay magaalada Gaza, ayaa isna taageeray aragtida Trump ee ku saabsan quruxda iyo awoodda horumarineed ee xeebta Gaza.

“Sannad iyo bar ka hor waxaan ku noolaa guri cusub oo ka mid ah dhismayaasha dhaadheer ee casriga ah ee badda dhinaceeda ku yaalla, una dhow Corniche-ka iyo dekedda Gaza. Waa meel aad u qurux badan, degganna,” ayuu yiri. “Saacado badan ayaan badda dhinaceeda fadhiisan jiray, daaqaddaydana waan ka arki karay.”

Isagoo si toos ah ula hadlayay Trump, wuxuu yiri: “Yaan la dhihin waxaad isku dayaysaa inaad Gaza ka dhigto goob dalxiis oo ay dadka dibadda ka yimaadaan u soo dalxiis tagaan. Gaza-dan annagaa leh, cid kalena ugama tagayno.”

Will Brown, oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faallooda oo ka tirsan Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, ayaa sheegay in ka hadalka in boqolaal kun oo reer Gaza ah loo diro Soomaaliya ay tahay “wax aan caqligal ahayn”.

“Soomaaliya waa dawlad fashilantay oo ay aafeeyeen rabshadaha jihaad-doonka. Fikradda ah in dad aad u dhaawacan lagu daadiyo halkaas waa mid naxdin leh,” ayuu yiri.

WARARKA