Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Sida ay hore u shaacisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO waxaa sare u kacay tirada dadka la nool xanuunnada maskaxda oo sannahihii la soo dhaafay sii badanayey.
Inta badan xannuunada dhimirka waxa ugu badan walbahaarka, niyad-jabka iyo cudurrada kale ee ku dhaca maskaxda bani’aadanka, waxaana qaybta ugu weyn ka qaata mukhaadaraadka, xasillooni darrada amni iyo shaqo la’aanta baahsan.
Deegaanka Soomaalidu waxa uu ka mid yahay meelaha ay muddo ka taagnaayeen dhibaatada ka dhalata xanuunnada maskaxeed, ayadoo tirada dadka la nool xannuunadaasna ay sare u sii kacaysay.
Sida lagu caddeeyay warbxin ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradda caafimaadka Itoobiya iyo Machadka qiimaynta caafimaadka maskaxda oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, boqolkiiba 4 ka mid ah tirada guud ee dadwaynaha ku nool deegaanka Soomaalida ayaa la nool ugu yaraan nooc ka mid ah xanuunada maskaxeed. Halka uu xanuunkan ku jiro kaalinta 9-aad ee liiska cudurrada guud ee dalka Itoobiya, taasi oo ka dhigan in uu jiro sare u kac xooggan.
Dr. Muuse Catoosh agaasimaha waaxda ka hortagga cudurrada ayaa sheegay in 5,000 oo qof oo ka mid boqolkii kun ee qof ee ku nool deegaanka Soomaalida la nool yihiin khalkhal maskaxeed.
“Xannuunada ku dhaca maskaxda waxaa inta badan keena hiddo raac uu qofku ka dhaxlo walaalidiintiisa, waxaase ugu badan midda ay dhaliso baahida qofka la soo darista oo si dadban maskaxdiisa u saamaysa. Takoorka iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa qayb weyn ka qaaata” ayuu yiri Dr Muuse.
Agaasimaha ayaa sheegay in si gaar ah Deegaanka Soomaalida, daraasadaha la sameeyay ay tilmaamayaan noocyada ugu badan ee xanuunnada dhimirku inay yihiin walbahaarka, walaaca iyo isku buuqa oo isu rogi kara waalli maskaxeed.
Xarunta daryeelka dhimirka
Waa isbitaalkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo bariga Itoobiya, isla markaana ay maalgeliyeen haween qurbajoog ah. Waxaa laga dhisay magaalada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar.
Xaruntan cusub oo dhawaan xadhigga laga jaray ayaa u adeegi doonta dadka qaba xanuunka dhimirka oo laga keenayo qaybaha kala duwan ee Deegaanka Soomaalida.
Haweenka cusbitaalkan hirgaliyay waxaa gudoomiye ah Asli Xasan Cabaade ah gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee noqota duuliye diyaaradeed, haweenkan waxay sheegeen in ay ka adkaysan waayeen dhibtaada haysata dadkooda maskaxda ka xanuunsan ee aan helin daryeel caaafimaad oo dhanka maskaxda ah.
Muna Muxumad Gaas waa afhayeenka ururka hirgeliyay cusbitaalkan. Waxa ay sheegtay in sababta ka dambaysay dhismaha xaruntani ay tahay baahi weyn oo qabaan dadka daryeelka u baahan ee qaba xauunka dhimirka ee deegaanka.
“Markii aan aragnay baahida jirta ee daryeelka dadka la nool xanuunnada dhimirka, tirada dadkaasi oo aad u badan iyo dhakhaatiirta u diyaarsan oo aan badnayn, waxa aan go’aansannay aasaaska xaruntan. Magaalada Jigjiga dadka waxa la geeyaa goobaha cilaajka oo dadka ku xeraysan ay xanuunnadoodu kala duwan yihiin” ayey tiri Muna.
Muna ayaa sidoo kale xustay in xaruntani ay u adeegi doonto dadka qaba xanuunanada maskaxda, gaar ahaan kuwooda aan haysan wax daryeel ah ama ay hayntoodu liidato ee aan awoodin in ay iska bixiyaan daryeelkooda.
“Waxa muhiim gaar ah aan siinnay dadka ay hayntoodu liidato ee aan awoodin in ay daryeel caafimaad raadsadaan. Dadkaasi waxa aan ka soo ururinnaa meelaha tuullooyinka ah iyo gobollada kale.”
Baahida loo qabo xarun xanuunnada dhimirka lagu daweeyo
Inkasta oo ay jiraan goobo kooban oo bixiya adeegyada la siiyo dadka qaba xanuunka dhimirka, sida kuwa ku hoos jira cusbitaalka guud ee Suldaan Sheekh Xasan Yabar ee magaalada Jigjiga, iyo xarun kale oo ku taalla magaalada Qabridaharre ee gobolka Qorraxay, misna waxa weli muuqata inay jirto baahi xooggan oo loo qabo goobo lagu dabiibo dadka xanuunnadaas qaba.
Cusbitaalkan cusub ee laga hirgeliyay magaalada Dhadaxbuur oo dadka ugu horreeya qaabili doona dhawaan ayaa la rajaynayaa in uu awood u yeesho inuu adeeg caafimaad oo dhanka xanuunnada madaxa ah bixiyo, wuxuuna noqonayaa isbitaalka ugu weyn ee noociisa ah ee laga hirgaliyo bariga Itoobiya, kaas oo gooni u ah dadka qabana xanuunka madaxa.
Deegaanka Soomaalida ayaa muddo ka mid ahaa deegaannada xasillooni darradu ay soo martay ee dalka Itoobiya, taasina waxa ay dad badan u nuglaysay in ay qaadaan xanuuno maskaxeed sida lagu shaaciyay warbxinnada wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha madaxa bannaan.
XIGASHO BBC SOMALI