spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Panama oo ka Jawaabay eedeeyn Mareykanka Ujeediyay.

Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Madaxweynaha Panama José Raúl Mulino ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu faafiyay warar ” been abuur ah” kadib markii waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay in maraakiibta dowladda Mareykanka aan looga baahneyn inay bixiyaan lacag si ay u sii maraan Kanaalka Panama.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa tan iyo markii uu dib uga laabtay hadalkii ka soo yeeray wasaaradiisa ayaa waxa uu ku tilmaamay khidmadda laga qaado maraakiibta Mareykanka “wax aan macquul ahayn” sababo la xiriira heshiis dhigaya in Mareykanka uu ilaaliyo kanaalka haddii la soo weeraro.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowr jeer ka sheegay inuu doonayo inuu dib u hanto maamulka marin biyoodka tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, wuxuuna diiday inuu meesha ka saaro in si xoog ah uu dib ugula wareego. Waxaa lagu wadaa inuu Jimcaha maanta ah la hadlo madaxweyne Mulino.

WARARKA