Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Warrarka ka imaanaya Deegaanada Dhaca Jiinka Wabiga Shabelle ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saaka dagaal culus uu ka qarxay deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Buulo Burde iyo Halgan, halkaas oo ay isku horfadhiyeen indhawaallaba ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo Xubno ka tirsan ururka AS.
Dagaalka oo ay saaka qaadeen ciidamada isbahaysanaya ayaa xooggiisu waxa uu ka socdaa deegaanno u dhaxeeya tuulooyinka Beera Yabaal iyo Jicibow oo ku yaala qarka webiga Shabeelle, halkaas oo muddaba ay dhufeysyo uga qodnaayeen kooxda Al-Shabaab.
Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in dagaalku wali socdo isla markaana uu khasaare xoog leh ka soo gaaray dagaalamayaasha AS, dhawr saldhigna laga qabsaday.
Warbaahinta Ciidamada ayaa iyana ku warantay in illaa sedex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab lagu qabtay dagaalka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhinacyada dagaalamaya ay isku ridayaan hub culus oo laga maqlayo meello aad uga fog goobbaha uu dagaalku ka socdo.
Wararka Qaar ayaa sheegay in Ciidamada isgarabsanaya ay Dhufeeysyadii ay Ku Jireen kasaareen Xubnaha katirsnaa ururka AS Dibna ay ugu riixeen wabiga shabelle oo ay Hore ugasoo Gudbeen.
Wixii Kasoo Kordha Halkaan ayaad kala Socon Doontaan