spot_imgspot_imgspot_img

Wararki ugu Danbeeyay ee Colaadda Dalka Sudan

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} KHARTOUM — Colaadda ka aloosan dalka Sudan ayaa sii xoogeystay, iyadoo dagaallo culus ay ka dhacay Koofurta iyo Galbeedka Sudan.

Dagaalkan ayaa ka dhashay iskahorimaad u dhexeeya ciidamada milatariga ee uu hogaamiyo Cabdifataax Burhaan iyo xoogagga RSF (Rapid Support Forces).

Dagaalka sokeeye ee Sudan ayaa bilaabmay bishii April ee sannadkii 2023, waxaana dagaalladu si joogto ah ugu faafay qeybo ka mid ah dalka. Xaaladda dalka ayaa ku sii xumaanaysa, iyadoo dadka rayidka ah ay si weyn u saameeyeen dagaallada, taas oo keentay barakac, dhimasho, iyo dhaawac ballaaran.

Ciidamada milatariga ee uu hogaamiyo Burhaan ayaa guulo ka sheegtay dagaalladii ugu dambeeyay, iyadoo la sheegay in ay soo qaadayaan deegaanada muhiimka ah ee ku yaalla koofurta iyo galbeedka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda guud ee Sudan ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo xiisadaha colaadeed ay sii xoogeysanayaan.

Dagaalladan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay nolosha shacabka, iyadoo qeybo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka ay ku jiraan xaalad adag. Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya jiritaanka biyo la’aan, adeegyada caafimaadka oo aad u liita, iyo cudurrada ku faafaya deegaanada ay colaadu saameysay.

WARARKA