Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Diyaaraddii ugu horeysay oo Mareykan ah oo sidday muhaajiriin laga soo qabtay Mareykanka kuna sii jeeday Cuba ayaa cago dhigatay xabsiga Guantanamo Bay.
Madaxweynaha Cusub ee Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa doonaya in xabsigan lagu hayo in ka badan 30,000 oo muhaajiriin ah, kuwaas si sharci la’aan ah ku jooga dalka Maraykanka.
Sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, Waa tillaabadii ugu horreysay ee la filayo inay sare u qaaddo tirada muhaajiriinta loo dirayo saldhigga ciidamada badda ee Mareykanka ee Cuba, kaasoo muddo tobanaan sano ah loo adeegsan jiray in lagu xiro ajaaniibta lala xiriirinayo weerarradii Sebtembar 11, 2001.
Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah ay gaareen xabsiga maalmihii lasoo dhaafay si ay gacan uga geystaan haynta muhaajiriinta laga soo qabanayo gudaha Maraykanka.
Amy Fischer, oo ah maamulaha Xuquuqda Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ee hay’adda Amnesty International USA, ayaa diiday in muhaajiriinta ku sugan Maraykanka loo isticmaalo xabsiga Guantanamo.
“In muhaajiriinta loo diro Guantanamo waa tallaabo naxariis darro ah. Waxay dadka ka gooyn doontaa qareennada, qoyska iyo nidaamyada taageerada, ku tuuri doontaa god madow si ay dawladda Maraykanku u sii waddo ku xadgudubka xuquuqdooda bini’aadminimo,” Fischer ayaa sidaas ku sheegay bayaan.
Todobo duulimaad oo ay la socdeen muhaajiriin Maraykanka laga soo taxriilay ayaa horey loogu diray waddamada Ecuador, Guam, Honduras iyo Peru.