spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Yihiin Waxa uu Sameeyay Madaxweeynaha kenya oo aay Ku Farxeen Soomaalida?

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto , ayaa sameeyay ballanqaad aad ugu farxeen Soomaalida kunool dalka Kenya, kaddib hadal uu Madaxweynaha ka jeediyay magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

William Ruto ayaa sheegay in xukuumadiisu ay joojin doonto baaritaanka adag ee lagu sameeyo dadka doonaya inay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinnimada Kenya, taa oo dhibaato badan ku qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kenyaka ah.

Madaxweynaha dalka Kenya ,ayaa sidoo kale ballanqaaday in shucuubta Soomaaliyeed ee ku nool agagaarka Xuduuddaha Kenya ay hadda ka dib si fudud u heli doonaan adeegyada dawladda muhiimka ah ee dowladda bixiso.

Dadka doonaya in ay qaataan kaarka aqoonsiga ee muwaadinnimada Kenya ayaa mara nidaamka baaritaanka dadka, waxa uuna nidaamkan jiray muddo 60 sanno gaaraysa, arrintaasoo Soomaalida Kenya iyo xildhibaannada ay aad u dhaliili jireen, ayadoo doonayey in wax laga beddelo.

WARARKA