Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Xilli saacadihii la soo dhaafay ay kordheen tirada dalalka ka horyimid go’aanka Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ku doonayo inuu raro Shacabka Falastiin ee deggan Marinka Qaza.
Madaxweynaha Brazil Luiz Inácio Lula da Silva ayaa dhaleeceeyay soo jeedinta Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in shacabka Falastiin laga raro Qasa.
“Soo jeedinta Trump la xiriira in lala raro Shacabka Falastiin macno malahan, mana ahan mid suurto gali kara” ayuu yiri Madaxweynaha Brazil
Safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Fu Cong ayaa walaac ka muujiyay dalabka uu soo jeediyay Trump, isaga oo ku tilmaamay wax aan sax aheyn lana fahmi karin.
“Dunida waa diiday gaar ahaan dalalka Carabta. Marka laga hadlayo Shiinaha, waxaanu ka soo horjeednaa isku day kasta oo lagu doonayo in lagu beddelo tirada dadka Falastiin ee dhulalka la haysto.” ayuu yiri Danjiraha Shiinaha ee Qaramada Midoobay.
Sidoo kale, dalal badan oo caalamka ah ayaa ka horyimid soo jeedinta Trump.