spot_imgspot_imgspot_img

Hub iyo rag looga Shakiyay AS oo La qabtay.

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Bayaan ay soo saareen howlgalka AUSSOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen degaanka Muuri ee degmada Walaweyn oo ay ku dhuumaaleysanayen rag ka tirsan Al shabaab.

 

Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay Ciidanka Militariga iyo kuwa Nabad Sugida Soomaaliya oo Jimcihii ka dhacday degaanka Muuri oo dhowr jeer ay dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay ku bartilmaamesadeen ciidamada amaanka kuna dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed sida lagu sheegay bayaanka AUSSOM kasoo baxay.

 

Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay hub lala xiriirinayo weerarro dhowaan deegaanka ka dhacay oo rag Al shabaab ah ay geeysteen, waxaana sidoo kale lagu soo xiray dhowr tuhmanayaal.

 

Ugu dambeeyntii waxaa bayaanka lagu sheegay in Dadaalkan wadajirka ah uu xoojinayo waajibaadka howlgalka AUSSOM, wuxuuna gacan ka gaysanayaa sidii mas’uuliyadaha amniga loogu wareejin lahaa Ciidanka Amniga Soomaaliyeed.

 

Al shabaab meelaha ay wali ku xoogan tahay ayay kamid tahay Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Degaanada kale ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

 

WARARKA