Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Golaha ayaa go’aamiyey in hey’addaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga.
Ciidamada Puntland ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish , waxa ayna Puntland la wareegeen dhul buuraley ah oo horey kooxda Daacish saldhigyo uga dhigteen.
Hadalkan kasoo yeeray Xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli uusan wax xiriir ah ka dhaxeyn dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, lamana oga sida Puntland u aqbali doonto taageerada dowladda u fidineyso.