spot_imgspot_imgspot_img

Falcelino Calami ah oo Ka Dhalatay Soo jeedinti Trump ee Gaza

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} WASHINGTON — Xulafada Mareykanka iyo kuwa ka soo horjeeda ayaa Arbacadii si isku mid ah u cambaareeyay soo jeedinta Madaxweyne Donald Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego lahaanshaha Marinka Gaza.

Trump ayaa sidoo kale Talaadadi soo jeediyay in dad ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin ah loo raro qaar ka mid ah dalalka Carabta, kaddibna Gaza loo rogo magaalo xeebeed ku taalla Bariga Dhexe oo loo tamashla tago.

Britain, Shiinaha, Jarmalka, Ireland, Ruushka iyo Spain ayaa dhamaantood sheegay inay sii wadayaan taageerada ay u hayaan xal laba dawladood ah, oo micnaheedu yahay in la abuuro dowlad madax bannaan oo ay leeyihiin dadka reer Falastiin oo ay ku jiraan Gaza iyo dhulka ay Isra’il heysato ee Daanta Galbeed.

Hindisaha laba dowladood oo deris ah, Isra’il iyo Falastiin ayaa looga danleeyahay in lagu soo dhameeyo colaadda u dhaxeysa Isra’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ee soo socotay tobannaanka sanno. Soo jeedintaasi ayaana muddo dheer gundhig u ahayd siyaasadda Maraykanka ee gobolka, in kasta oo xukuumadda Netanyahu ay ka soo horjeedo.

Sacuudiga oo ka mid ah saaxibbada ugu muhiimsan Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa si cad u sheegay, in aysan marnaba ka leexaneyn mowqfikooda iyo baaqoodii ahaa helitaanka dowlad madax bannaan oo Falastiin ay leedahay.

Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa isna yiri “Mowqifka Australia waa sidii uu ahaa saaka, sidii uu ahaa sanadkii hore, iyo sidii uu ahaa 10 sano ka hor.

Maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, Xamaas, Masar, Turkeye iyo Qaramada Midoobay ayaa iyaguna diiday soo jeedinta Trump ee Gaza.

Gudaha Mareykanka siyaasiyiinta, labada xisbi ayaa qaarna kasoo horjeestay qaar kalana fikirkaan ku taageeray madaxweyne Donald Trump.

WARARKA