Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka aysan u qorsheysnayn inay aqoonsi siiso Somaliland, waxayna xustay in culays weyn uu ka imaan doono haddii tallaabadaas la qaado.
Daahir Xasan Carab, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka oo waraysi siiyay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Mareykanku uu ilaaliyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana aysan suurtagal ahayn in uu Somaliland dowlad u aqoonsado.
Waxa uu xusay in masuuliyad culus ay ka dhalan doonto haddii Mareykanku Somaliland aqoonsado. Sidaas darteed, waxa uu sheegay in Mareykanku uusan diyaar u ahayn aqoonsiga Somaliland, isla markaana arrinta aqoonsigu aysan ahayn mid hadda miiska saaran.
Danjire Carab oo la weydiiyay hay’adda sharciyeed ee dhowaan ay kiraysatay dowladda Soomaaliya si ay uga hortagto aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegay in hay’addaasi kala talin doonto shuruucda kasoo baxaysa hay’adaha kala duwan ee Mareykanka iyo sida ay Soomaaliya u saameynayaan.
Dhaq dhaqaaqyada aqoonsi raadinta Somaliland ayaa ka soo xoogaystay Mareykanka labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ololahan ay safka hore kaga jiraan xildhibaanno ka tirsan golayaasha sharci-dejinta Mareykanka iyo dibulumaasiyiin ka tirsan xisbga Jamhuuriga ee talada haya.
Ololahan ayaa sii xoogaystay kadib markii Trump dib loo doortay, waxaana si weyn u soo dhawaysay xukuumadda Somaliland, oo ku tilmaantay Trump inuu yahay nin go’aan leh oo aqoonsan kara Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhankiisa, ayaa xaqiijiyay in ololahani ka socdo Mareykanka, isla markaana uusan hubin tallaabada uu qaadi doono Trump.