Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Warqaddan waa wareegtada oo ka soo baxday Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Sacuudiga ayaa lagu shaaciyay in la hakiyey shuruudda tallaalka Caafimaadka ee waajibka ku ahaa dadka doonayay in ay cumrada tagaan.
“Waxaa la hakiyey shuruudii faraysay in dadka haysta fiisaha Cumrada ama raba inay Cumrada gutaan ay qaataan tallaalka, Dhamaan shirkadaha duulimaadyada ee ka shaqeeya garoomada Sacuudiga, oo ay ku jiraan duulimaadyada gaarka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.
Tillaabadani ayaa dadka safraya ee doonaya cumrada u fududeynaysa in ay tagaan Sacuudiga, iyada oo la joojiyay mid kamid ah shuruudihii ugu adkaa.
Inta badan waxaa cumrada ay aadideeda korortaa marka ay soo dhawaato ama lagalo bisha barakeysan ee Ramadaan, markaasi oo Muslimiinta ay ka kala yimaadaan dalalka qeybaheeda kala duwan.