Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Ugu yaraan 10 qof, oo uu ku jiro ninkii weerarka geystay ayaa Talaadadii ku dhintay, kaddib weerar lagu qaaday xarun wax lagu baro dadka waaweyn oo ku taalla magaalada Orebro ee dalka Sweden.
Ra’iisul wasaaraha Sweden ayaa weerarkaasi ku tilmaamay toogashadi ugu khasaaraha badneyd ee abid ka dhacdo dalaasi dhaca waqooyiga Yurub.
Toogashada ayaa ka dhacday dugsi ku yaalla magaalada Orebro oo qiyaasti 200 kiiloomitir dhanka galbeed ka xigta Stockholm, sidaasi waxaa xaqiijiyay Ra’iisulwasaare Ulf Krister-sson.
Dugsiga, oo lagu magacaabo Campus Risbergska, wuxuu u adeegaa ardayda da’doodu ka weyn tahay 20 jir, sida ku cad shabakadiiisa, waxaana laga bixiyaa koorsooyin dugsi hoose iyo sare ah, sidoo kale waxaa la bixiyaa xiisado iswiidhish ah oo loogu talagalay dadka dalka u soo guuray, tababar xirfadeed iyo barnaamijyo loogu talagalay dadka garaadka naafada ka ah.
Wali lama shaacin sababta ka danbeysa weerarka iyo faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan qofka weerarka geystay.