spot_imgspot_imgspot_img

Shuute oo Codsaday in Maxkamad Gaar ah loo Sameeyo Ciidamada Macawiisleeyda

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ka qaybgalay shirka 7aad ee Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliya ayaa sheegay in kiisas badan ay qabatay Maxkamadda kuwaas oo isugu jira dambiyo gudaha ah & Maalgelinta ‘Argagixisada’ ee Dibadda ah.

Shuute ayaa sheegay in sanadkii 2024 uu hoos u dhacay kiisaska la xiriira dilalka tooska ah ay geysan jirtay ‘AS’ taasina ay ku timid dedaallada xooggan ee Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya geliyaan qorshaha lagu adkeynayo ammaanka sida uu hadalka u dhigay.

“2024 waxaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida guud ahaan Dalka la horkeenay 2,597 Galdacwadeed oo loo xiray 2,966 Eedeysane, Marka la is barbardhigo 2023 & 2024 waxaa aad hoos u dhacay Dilalkii Argagixisada geysan jirtay, taasi waxa ay muujineysaa in Ciidamada ammaanka shaqo wanaagsan qabteen.” Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda CQS

Waxa uu madasha ka dalbaday in la sameeyo Maxkamad u gaar ah Ciidamada Deegaanka ee Macawiisleyda oo waqti ahaan dhammaaday muddadii Xukuumaddu sheegtay in ay ku diyaarinayaan habraac maxkamadeed oo u gaar ah dambiyada ay geystaan.

Shuute ayaa shaaciyay in ay culeys ku tahay arrintaan, waxa uu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay ka shaqeyso ama u sameyso diyaarinta Maxkamad u gaar ah maadaama si ka duwan Ciidamada Dowladda loola tacaamulayo.

“Waxa aan dalbaneynaa in Maxkamado loo sameeyo Arrinta Macawiisleyda oo 11 boqolkiiba sanadkaan kor u kacday ilaa ay gaartay in ay dilaan Ciidamada Dowladda, waxaa jira sanadkii 2022 xeer ay soosaareen Golaha Wasiirrada bacdamaa lagu jiray dagaal in goobaha laga xorreeyay argagixisada in ay kasii shaqeeyaan Maxmadaha muddo 3 bil, hadda lama joogo waqtigaas, arrintaan culeys ayay nagu noqotay.” Guddoomiye Shuute.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa qaadday kiisas kala duwan oo qaarkood dadkii xafiiska xeer ilaalintu eedeynta usoo jeediyay la xukumay halka qaar kale ay yihiin xukun sugayaal oo galkooda la diyaariyay sida wararku sheegayaan.

WARARKA