Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay dhawr iyo toban kalena way ku dhaawacmeen dagaal saaka ku dhexmaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ciidamada dawladda federaalka iyo ciidamo taabacsan dawlad goboleedka Jubbaland.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii shalay ciidamada Jubaland ay qabsadeen xarunta maamulka degmada taas oo ka caraysiisay maamulka degmada ee Dawladda Federaalka.
Ciidamada Dawladda Federaalka iyo maamulka degmada ee ay aqoonsantahay ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya magaalada iyo xarumaha maamulka sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Baardheere ee Dawladda Federaalka Ismaaciil sheekh Cabdi Qorax (Koofi).