Arbaco 05-02-2025 {HMC} — Ugu yaraan 17 caruur ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dab ka kacay iskuul ku yaala waqooyi galbeed dalka Nigeria.
Dabka ayaa xalay fiidkii ka kacay Iskuul Islaami ah oo ku yaala Kauran Namoda, waxaana dabku uu qabsaday ardaydii joogtay gudaha iskuulka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhowr qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo waxaana loo qaaday xarumaha caafimaadka ee deegaanka si loogu daweeyo.
Waxaa la rumeysan yahay in dabku uu ka kacay guri u dhowaa habeenimadii Talaadada, uuna ku fiday iskuulka xilli ay hurdayeen caruurta oo la rumeysan yahay in ay ahaayeen dhalinyaro.
Maamulka deegaanka iyo kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa loo diray goobta uu dabku ka kacay, balse dabka ayaa durba dhaliyay qasaare lixaad leh.
Mannir Haidara oo ah sarkaal maxalli ah ayaa sheegay in la baari doono dugsiyada kale ee Islaamiga ah si loo hubiyo in aysan ka jirin khatar dabka ah.