spot_imgspot_imgspot_img

Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo ka qarxay Gobolka GEDO.

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland uu ka socdo degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa goordhow ka qarxay bartamaha magaalada, waxaana labada ciidan ay isku hayaan gacan ku heynta degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhawaqa rasaasta si xooggan looga maqlayo magaalada, isla markaana dagaalka uu yahay mid culus oo ay dhinacyo isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada ciidan iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaartay dagaalka ka qarxay halkaasi.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dhinacyo ay helayaan ciidamo gurmadyo ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere.

Shalay ayay ahayd markii ay Jubbaland sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta xarunta degmada Baardheere, laakiin waxaa saaka dib u qarxay dagaal culus oo dhex-maraya Daraawiishta maamulkaasi iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

WARARKA