Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Ciidamada Puntland ayaa soo bandhigay meydadka 57 xubnood, oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo badankoodu yihiin ajaanib lagu dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Calmiskaad, gaar ahaan aagga Togajaceel.
Xubnaha ayaa la dilay kadib howlgallo dhulka iyo cirka ah oo dhacay Maanta, iyadoo sidoo kale la qabtay hub iyo qalab kale oo muhiim ah, oo ay kooxda Daacish lahayd, waxaana Ciidamada ay kusii siqayaan goobihii ugu dambeeyay ee Cal-Miskaad.
wararka lagahelaayo deegaanada laga sameeyay Howlgalada ayaa waxaa ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhul muhiim ah oo horey ugu sugnayd kooxda Daacish.
Dagaalka ayaa waxaa ku jira Argagaxiso ajaaniib ah, oo ka kala yimid dalal kala duwan, taasoo muujinaysa in kooxda Daacish ay u doonaysay inay gabaad ka dhigato Puntland, maadama Bariga Dhexe looga soo adkaadey.
Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah. Guulahaas ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallada amni ee Puntland.
Talaabooyinka ciidamada Puntland ee ka dhanka ah Daacish ayaa ah kuwo lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaalinta nabadgalyada deegaanada Puntland.