Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Ciidamada difaaca Puntland oo sii wada hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar dhawr jiho ah ku qaaday degaannada ay weli kooxda Daacish kaga harsan yihiin togga Jeceel.
Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku qalabaysan hubka culus ayaa saaka ilaa afar jiho ka weeraray mileeshiyaadka Daacish oo ku dhuumanaya dusha sare ee togga Jeceel, kaddib markii shalay ciidamadu ka qabsadeen difaacii adkaa ee Dharin.
Dhinaca kale, duqeymo diyaaradeed ayaa xalay laga maqlay dusha sare ee togga Jeceel oo ay ku dhuumanayaan dagaallamayaashii Daacish ee ka firxaday dagaalkii ugu adkaa ee shalay ka dhacay toggaasi, kaasi oo socday tan iyo fiidnimadii xalay, islamarkaana ciidamada dowladdu kula wareegeen dhammaan goobihii lagu dagaallamay.
War kooban oo ka soo baxay ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaanna hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa lagu sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ajaanib ah, balse lama xusin cidda fulisay.