Arbaco 05-02-2025 {HMC} Iyadoo falcelinta caalamiga ah ee hadalkii Trump ee ku saabsan la wareegidda Marinka Gaza ay sii socoto, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Boqorka Jordan, Boqor Abudullaha lI.
Bayaan ay soo saartay Maxkamadda Hashimiye ee boqortooyada Urdun, isla markaana dusha kala socota howlaha rasmiga ah ee Boqor Abudullah II, ayaa lagu sheegay in taleefoonka ay kuwada hadleen Boqorka iyo Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.
“Boqorka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la joojiyo hawlaha deegaameeynta, isagoo muujiyay sida uu diidanyahay isku day kasta oo lagula wareegayo dhulka iyo barakicintaFalastiiniyiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Boqorka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in la kordhiyo dadaallada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xabad joojinta lana kordhiyo gurmadka bini’aadantinimo ee deegaanka.