spot_imgspot_imgspot_img

Xadka u dhaxeeya Uganda & Kenya oo la gaarsiiyay Tallaalka Ebola

Talaado 4, Feb 2025 {HMC}  Tallaalka looga hortagayo xannuunka Ebola ayaa ka billowday Degmooyinka Uganda ee dhaca xadka Kenya, mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Caafimaadka Dalkaas ayaa sheegay in kahortaggaan uu yahay xalka lagu badbaadinayo Dad badan oo haatan bad qaba.

Dood xooggan ayaa ka dhalatay tallaalkaas maadaama dadka qaar ee dhinaca xadka Kenya xiga ay diideen in ay qaataan ama la duro, Uganda ayaa ku qasbeysa Dadkaas in ay qaataan kahortagga cudurka Ebola oo halis badan.

Uganda ayaa sheegtay in ay ku qasban tahay in Dadka siiso tallaalka kahortagga ah maadaama socodka dadka u dhashay Dalalka kale uu ku badan yahay sida lagu yiri war kasoo baxay waaxda caafimaadka Dalkaas.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta loona soo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in ay Uganda ku gacansiineyso sidii ay ugu guuleysan lahayd dagaalka ka dhanka ah Cudurka Ebola si Bulshada looga badbaadiyo.

WARARKA