spot_imgspot_imgspot_img

Wasiiro Cusub oo Maanta lagu Dhaariyay Baydhabo iyo Laftagareen oo…

Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ka qeybgalay Munaasabada Dhaarinta Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdixakiin Maxamed Xaaji Fiqi

Munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Wasaarada Qorshaynta, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka Tirsan Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada.

“Wasiir waan kuu hambalyeyneynaa, aad baan ugu faraxsannahay, Waxaan aaminsannahay in uu wax weyn ku soo kordhin doonno Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, horayna u soo shaqeeyay xilal waaweyna dalka ka soo qabtay”. ayuu yiri, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay in wax badan ku soo kordhin doona maamulka Koonfur Galbeed, Ilaaheyna u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed Cabdixakiim Xaaji Fiqi, ayaa hori u ahaa Wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya.

WARARKA