spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirada Cadaaladda Dalka Soomaaliya iyo Masar oo ku kulmay Muqdisho.

Talaado, 4 Feb 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Cadaaladda ee dalka Masar.

Kulanka ayaa labada dhinac waxay diiradda ku saareen xoojinta iskaashiga garsoorka ee labada dal, gaar ahaan horumarinta nidaamka Cadaaladda Soomaaliya, waxaana kulanka qeyb ka ahaa Wasiiru dowlaha Cadaaladda Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Wasiir ku xigeenka Cadaaladda Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulankan ayaa ah mid daba socda dhameytirka kulamo horay labada Wasaaradood ugu soo yeesheen magaalada Qaahira ee dalkaasi Masar bishi Novembar ee sanadkii tagay, kuwaas oo la xariiray kor u qaadista, tayeynta garsoorka iyo horumarinta Cadaaladda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa lagu sheegay in kulanka ay labada dhinac iskula meel dhigeen xoojinta arrimaha iskaashiga, tababarka, garsoorka iyo cusboonaysiinta shuruucda, si kor loogu qaado hufnaanta iyo waxtarka hay’adaha Cadaaladda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar wada shaqeynta joogtada ah ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, isagoona muujiyay muhiimada iskaashiga garsoorka ee labada dal si loo xaqiijiyo horumar waara iyo xasilooni siyaasadeed.

WARARKA