Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waxa ay waday dadaalo la xiriira sidii guud ahaan dalka looga qaban lahaa doorashooyin qof iyo cod ah.
goobaha loo asteeyey in ay doorashooyinkaasi ka dhacaan ayaa waxaa ka mid ah, Magaalada Muqdisho oo la sheegay in 16 degmo ah oo qeyb ka ah degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir ay doorashooyinka ka qabsoomaan.
Muqdisho waxaa kunool in kabadan 4 Milyan oo qof waxa ayna doonayaan ineey iyagu gacantooda wax ku doortaan kuna ciil-baxaan codkooda.
Dadka falanqeeya siyaasada ayaa sheegaya in muqdisho ay tahay meesha ugu fudud dalka ee laga hirgalin karo doorasho qof iyo cod ah hadii ay dowllada Qabato doorasho dhaxda taalo oo ka caagan musuq-maasuq iyo wax isdabamarin.
Halka qaar qaar kale ay qabaan in amni ahaan waqtigaan aysan musaasab ahayn in laga doorasho dadwayne laga hirgaliyo magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in dalka ay ka qabato doorsaho qof iyo cod ah inkastoo mucaaradka iyo maamulada qaar ay saluugsanyihiin qaabka ay wax ku wado dowlada Dhaxe ee Soomaliya.