Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Bogga ka warrama wararka la xiriira howlgalka Puntland ay ka wado buuraha gobolka Bari ee la-dagaallanka Daacish iyo warbaahinta maxalliga ah ayaa shalay soo bandhigay in ciidanka ku jira la-dagaallanka argagixisada Puntland uu isku soo dhiibay, Cabdiraxmana Ciise Axmed oo ku magac-dheer Laahoor, oo horey maxkamaddi ku riday xukun dil ah, kaddib markii lala xiriiray dilal iyo howlgallo ay Daacish ka fulisay Puntland.
Warka iyo muuqaallo laga arkay Laahoor oo dhexda uga jira ciidan badan , ayaa soo baxay isla waqtigii la sheegay inuu is dhiibay,iyadoo aan la marin wax hab-raac ah amni oo faa’iido u leh dagaalka ay Puntland ku doonayso inay ku cirib-tirto kooxda Daacish ee saldhigyada ku leh buuraha gobolka Bari.
𝐖𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐦𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐡𝐨𝐨𝐫?
Hay’adaha ammaanka ee Puntland, diiwaankooda wuxuu ku jira inuu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan ee Daacish, halka dadka deggan dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari ay ku sheegeen inuu yahay qofka ugu muhiimsan ee Daacish u qaabilsan istiraatijiyada dhulka, wax kala gudbinta, dagaallamayaasha iyo saadka oo ay u dheertahay inuu sidoo kale door ku leeyahay lacagaha ay kooxdan ka qaado ganacsatada iyo dilalka ay geysato. Waxaa jirta mar uu iska diidday inuu xiriir la leeyahay kooxda, isagoo ka hor imaanaya warbixinnada amni ee lagu xaqiijiyay doorkiisa Daacish illaa lagu xukumay dil, waqtigaa oo ay xukunka maxkamadda lagu go’aamiyay marqaati furka xubno loo soo qabtay kooxdan inay dilal u fulin jireen oo cidda ay ka amarqaadan jireen ku sheegay Laahoor, laakin hadda waxaa la soo gaaray inuu is dhiibay isagoo ah xubin ka tirsan Daacish.
Ilo amni, ayaa xaqiijinaya in Laahoor, uu baxsad ka ahaa kooxda Daacish afartii toddobaad ee u dambeysay, taasi oo ka dhigtay in is dhiibisiisa ay salka ku hayso surtagalnimada uu uga fogaanayo inay Daacish beegsato. Isku-darka warbixinnada amni iyo deegaanka, waxay tilmaam ka bixinaysa inuu Laahoor, ka mid ahaa udub-dhexaadka ama matoorrada dhaqaajinayay horumarka kooxda Daacish.
khilaafka gudaha Daacish?
Dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay iyo warbixinnada amni, ayaa daahqaadaya inuu jiro khilaaf hadda u muuqda inuu bannaanka usoo baxay oo u dhaxeeya xubnaha ajanabiga iyo Soomaalida ah ee ka tirsan kooxda Daacish, iyadoo la sheegay toddobaadkii hore inuu dhacay iska horimaad dhexdooda ah oo lagu dilay xubno Soomaali ah, oo ajaaniibta kooxdan ka tirsan ay ku eedeeyeen inay isku dayayaan sidii ay u baxsan lahaayeen oo ugu dambeyn isku dhiibi doonaan Puntland, tani waxay dhexda u galisay Daacish marxalad kala shaki ah oo sabab u noqotay in la kala saaro xarumaha ajaaniibta iyo Soomaalida, mase aha khilaafka ajaaniibta iyo Soomaalida xubnaha ka ah Daacish mid hadda soo bilowday, waa xaalad ay ka dhex jirtay muddooyinkii u dambeeyay oo sare martay marka uu bilowday howlgalka Puntland ee ka dhanka ah kooxdan oo lagu gaaray dhul ay horey u joogtay Daacish. Xaaladan ayaa ku dhaweyn karta in kooxdan lagu cirib-tiro waqti ka dhow , qiyaasta mar kasta oo hore,laakin sidee? Si ay u dhacdo in sare loo qaado kala shakiga iyo khilaafka gudaha Daacish, waa in la adeegsada istiraatijiyad fududeyn karta!
Marka la tixraaco xubin muhiim ah oo ka tirsan Daacish oo maanta isku soo dhiibay ciidanka, waxay amni ahaan leedahay fursad xilligan looga faa’iideysan karo hab istiraatiji ah, taa oo lagu dhalin karay in hab-raac loo diyaariso soo bandhigista Laahoor,iyadoo ugu yaraan saddex maalin hoos loo dhigayo , markaa oo la xaddidayo dadka og inuu isku soo dhiibay ciidanka, maalmo ku filan oo baaritaan iyo warbixinno laga heli karo, waxaa la diyaarin karay munaasabad u gaar ah oo lagu gudbiyo farriimo istiraatiji ah oo la adeegsanayo ‘ inuu Laahoor, si wanaagsan ula shaqeeyay ciidanka amni, oo u la wadaagay warbixinno fududeynaya in si dhaqso ah loo gaaro gododka ay ku dhuumanayaan hoggaanka Daacishka iyo soo qabashada xubnaha Daacish ee ku sugan meel ka baxsan buuraha,’ , farriinta sidaa u dhigan oo sidoo kale lagu soo bandhigayo goob uu joogo Laahoor ay ka muuqato nasniimo iyo inuu helay ballanqaad naf-badbaadin ah oo afaf uu Carabiga ku jiro lagu gudbiyo, waxay istiraatijiyad ahaan burburinaysa mooraalka ajanabiga iyo Soomaalida ku haray Daacish, sababtoo ah inuu baxsad ahaa Loohaar, waxay ka dhigantahay in la khiyaannay , waqtigaanna Daacish gudaheeda waxaa loogu muujin karaa inuu hadda diyaar u yahay aargoosi..!
Dabcan, ma garanayo amni ahaan ; istiraatijiyadda lagu dedejiyay isla markiiba in qof walba oggaado is dhiibista Laahoor, oo dabcan soo bandhigistan dhaqsada ah iyo inuu kooxda ka maqnaa muddo bil ku dhow ay sabab u noqon karto inay si dhaqso ah Daacish u beddesho istiraatijiyadeeda dagaal iyo weerarrada ku wajahnaa meelaha ka baxsan buuraha oo ay xataa suragal ah inay baxsadaan xubno bannaanka u joogay kooxda.
Hadda, si cad Daacish waxay dhexda u gashay marxalad xun , si ka duwan maalintii la billaabay duullaanka lagu gaarayo goobaha ay ku suganyihiin, waxa waqtiga uu ku socdo waa Daacish, taa oo lagama maarman ka dhigaysa isbeddel lagu sameeyo istiraatijiyada dagaal ee ka dhanka ah kooxdan oo loo rogo hab go’doomin dhinac walba ah, iyadoo la burburinayo khadadka saadka iyo hababka ay ku baxsan karaan , sidoo kalena la dedejinayo in la helo khad dammaanad qaad leh oo wada shaqeyn amni uu kula yeelanayo howlgalka goobaha ay kooxdan ku baxsan karto ama taageerro ka heli karto ee dhulka ka baxsan Puntland. Si la mid ah waa in hoos loo dhigaa dhaqdhaqaaqa xorta ah ee ajaaniibta u badan Carabta iyo Itoobiyaanka, si anshax leh, taa oo looga hortagayo inay magaalooyinka soo galaan xubno ka mid ah Daacishka buuraha ku jira, iyagoo iska dhigaya ajaaniibta kale ee ku sugan magaalooyinka. Waddada ugu sahlan ee baxsan, waa inay soo raaci karaan reer guuraga ama xoolo dhaqatada miyiga..!
Waxay u muuqataa dagaalka ka dhanka ah Daacish, in la galay waji ku dhaweyn kara kooxda waqti hore in la burburiyo, si taa ay u dhacdana waa in sare loo qaada hababka istiraatijiyadeed ee fududeyn kara in kooxda cadaadiska sare loogu qaado, xataa loo adeegsan karo habab isgaarsiineed oo khal-khal gelin kara.
Weerarka uu fuliyay Mareykanka;
Madaxweynaha Mareykanka, Trump wuxuu noqday qofkii u horreyay ee shaaciyay weerar ka mid noqonaya kuwii ugu sarreeyay ee Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya oo ka dhacay buuraha gobolka Bari, maalintii koowaad ee bishan Febraayo,markaa oo Trump uu sheegay inuu amray weerar lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan Daacish, ma jiro illaa hadda cid sharraxaad ka soo bandhigtay xubnaha lagu dilay weerarka oo saacado socday!
Weerarkaa, wuxuu muujiyay inuu Mareykanka u degdegay in meesha laga saaro xubno muhiim ah oo ka tirsan Daacish, sidoo kale soo bandhigista weerarka ee Trump, wuxuu ku muujiyay in xogta cidda la beegsaday ay waqti hore taallay Aqalka cad oo la sugayay ansixin, sababtoo ah Trump, ayaa ku faanay in Bidan uu ku dhici waayay cirib-tirka xubnaha la beegsaday ee weerarkooda uu amray, tan oo ku filan in waaxda difaaca iyo sirdoonka Mareykanka ay go’aamiyay waqti hore cirib-tirka xubnaha lagu beegsaday weerarka ka dhacay buuraha gobolka Bari, oo ay soo baxayaan warar la xiriira in qaar ka mid ah goobaha weerarka uu ka fuliyay Mareykanka ay ku daggeen diyaaraddo militari oo qaatay meydadka xubnaha la beegsaday, tan oo Mareykanka iyo Soomaaliyaba laga soo bandhigin.
Waxaa jirtay wax u muuqda inay u dhacday khalad istiraatiji ah ama wax ay dani biday oo ay sameysay Daacish, bilowga howlgalka ciidanka Puntland, waana markii Daacish ay ku weerartay ciidanka Puntland xubno wada ajaaniib ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa, weerarkaa wuxuu diray in kooxda ay leedahay khatar caalami ah, sababtoo ah ajaaniibta si ka duwan haddii Soomaali weerarkaa loo adeegsan lahaa, wuxuu bixiyay in joogitaanka Daacish ee buuraha dhulka Puntland uu saameyn ku yeelanayo caalamka, maxaa yeelay ajaaniibta iyaga oo aan soo gaarin Soomaaliya, sidoo kale waxay fulin karaan weerarro ka dhaca Afrika, bariga dhexe iyo dalalka galbeedka, joogitaankooda buuraha Puntland ayaa sidoo kale la macno ah inay xubno sare oo ay ku jireen saraakiishii sare ee Daacish-ta caalamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya inay sidoo kale ku sugnaan karaan goobta, ka hagi kara gudaha buuraha Puntland, weerarro ka dhici kara caasimadaha Afrika, bariga dhexe iyo galbeedka, illaa la arkay weerar aan horey u dhicin oo Mareykanka u adeegsaday howlgalkiisa buuraha gobolka bari.
Ugu dambeyntii, marxaladan burburka, kala shakiga iyo cadaadiska ee ay wajahayso Daacishta ku dhuumanaysa buuraha Puntland, wuxuu lahaan karaa darbadii u dambeysay oo xannuun leh iyo inay kooxdan qaadato mowqif dhimasho ah oo ay ku geysan karaan weerarro ay ku dhalinayaan khasaare saameyn leh, taa oo hadda uga baahan Puntland iyo xulafadeeda inay u degdegaan istiraatijiyad leh ka hortag oo lagu xaddidayo inay kooxdan sameyso waxyaabo kadis ah oo dhibaato horseeda..! Waxa u dambeeya waa in dullaanka Puntland uu bixiyay kooxaha argagixisada inay u baahanyihiin cadaadis iyo weerar, kuwaasoo ugu dambeyn u burburi kara sida laga filanayo Daacishta , buuraha Puntland muddada dheer ku jirtay..!