Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Indonesia, isaga oo halkaas ku sagootiyay maadaama muddo xileedkiisa shaqo uu ka idlaaday.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Safiirka Indonesia ku bogaadiyay shaqadiisii taas oo ah muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Safiirka kaalintiisa xoojinta xiriirka labo geesoodka, isaga oo guul u rajeeyay hiigsigiisa mustaqbaleed, carabaabayna rajadiisa in kobac hor leh uu sameeyo xiriirka labada dal.
Dowlada Soomaaliya iyo Indonesia ayaa leh xiriir wada shaqeyn oo mudda soo jiray, mid Diblumaasiyadeed iyo dhinacyada amniga ee labada dal.