spot_imgspot_imgspot_img

Maxaan ka ognahay odayaasha laga afduubtay Mandheera xilli u madaxweyne Ruto tegayo gobolka.

Talaado, 4,Feb-2025 (HMC) Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa sheegaya in deegaankaas laga qafaashay odayaal ka tirsan hogaanka bulshada ee deegaannada hoos yimaada Mandheera, kuwaasoo ahaa caaqillo.

Bishaar Mukhtaar oo ka tirsan golaha deegaanka ee Mandheera, lagana soo doorto deegaanka Wargaduud ayaa afduubka odayaashaas oo tirsadooda lagu sheegay 5 oday u xaqiijiyey BBC.

“Shan oday oo Wargaduud ka soo baxay, una socday meel ay kulan kaga qayb gali lahaayeen oo deegaanka Ceelwaaq ka tirsan ayaa laga afduubay meel u dhaxaysa Wargaduud iyo Ceelwaaq, welina lama oga dadka afduubka sameeyey” ayuu yiri Bishaar Mukhtaar oo waraysi siinayey BBC.

Wuxuu intaa ku daray in odayaashaas loo badinayo in loo gudbiyey dhinaca Soomaaliya.

Taliyaha booliska ee koofurta Mandheera Julius Njeru ayaa isna warbaahinta u xaqiijiyey afduubka odayaashaas.

“Abaarihii 8:30 subaxnimo ayaa mintidiin la tuhunsan yahay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin waxay aagga Eres-suki ku afduubteen gaari waday maamulayaashaas oo ku sii jeeday Ceelwaaq. Shan caaqil ayaa la sheegay in la la’ yahay iyo sidoo kale gaarigii” ayuu yiri Njeru.

Wuxuu warbaahinta gudaha u sheegay in hay’adaha amaanka oo ay ku jiraan milateriga in halka la geeyey, ayna baadi goobayaan gaariga. “Weli ma aynaan helin mid ka mid ah 5taas caaqil, kooxdeenna amniga ayaana xuduudda xiray” ayuu sii raaciyey.

Cabdiwahaab Kore oo ah mudane baarlamaan oo laga soo doorto Ceelwaaq ayaa isna dalbaday in degdeg loo sii daayo cuqaasha. “Ma aqbali karno in cuqaasheenna laga afduubto dhulkooda. Waxaan ka dalbanaynaa labada xukuumadood in la dedejiyo soo furashada cuqaasheenna” ayuu yiri Cabdiwahaab.

Qafaalashada odayaasha ayaa imaanaysa in yar ka hor socdaalka madaxweynaha Kenya William Ruto uu ku tagayo Mandheera, halkaasoo ay uga bilaabanayso booqasho 5 maalmood ah oo uu ku marayo gobolka waqooyi bari Kenya.

Sida laga soo xigtay ku xigeenka madaxa xafiis-hoosaadka deegaanka koofurta Mandheera Tobias Otunga, odayaashaas ayaa xilliga la afduubanayey u socday kulan looga hadlayey imaanshaha madaxweynaha Kenya ee gobolka Waqooyi bari.

Madaxweyne Ruto ayaa la filayaa inuu Talaadada gaaro Mandheera, ka hor inta uusan u sii gudbin Wajeer, ka dibna uusan socdaalkiisa ku soo gabagabeyn Magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari.

Ma kala cadda in odayaashaas cuqaasha ah ay qabeen lebiska rasmiga ah ee shaqada iyo in kale.

„Cuqaasha iyo kaaliyeyaashooda ayaa ah kuwo mar walba khatar ku jira. Kooxda al Shabaab ayaa ugaarsada oo afduuba ama dila” ayuu yiri Cumar Cabdullaahi oo ka mid ah dadka deggan Mandheera oo u warramayey wargayska The Daily Nation.

Dalka Kenya, caaqillada ayaa ka tirsan dawladda, waxayna hoos yimaadaan wasaaradda arrimaha gudaha, waana maamulayaal.

Mas’uuliyadooda waxaa ka mid ah ilaalinta sharciga iyo kala dambaynta, isku xirka hawlagallada amniga, iyo in dusha laga eego barnaamijyada dawladda ee heer deegaan.

Afar ka mid ah odayaasha la qafaashay ayaa ah caaqillo sare, ayadoo kan 5aadna uu yahay kaaliye. Magacyada cuqaashaas ayaa lagu sheegay inay kala yihiin Maxamed Caddaawe – magaalada wargaduud, Maxamed Xasan – bariga Wargaduud, Cabdi xasan – Quramadow , Maxamed Nuur Xaashi iyo Ibraahim gaabow oo ah kaaliye.

WARARKA