Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa in odayaal dhaqameed ay u adeegsan doonto wada xaajood lagu sii deynayo shan caaqil oo Isniintii laga afduubtay magaalo ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee Mandheera.
Tani, ayay yiraahdeen, waa habka ugu macquulsan ee lagu xaqiijin karo siideyntooda maadaama ay ku jiraan gacanta dad aan la garaneyn oo ku sugan gudaha Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee kusugan Mandheera.
Saraakiishu waxay sheegeen in odayaashii gacanta lagu dhigay la aqoonsaday maadama ay laamaha amaanka ay kala shaqeenayeen arrimaha amaanka degaanka, taasoo loo arko inay caadi tahay mar kasta oo ay dhacdo noocaan oo kale ah inay odayaasha wada xaajood ka galaan.
“Haddii aan la dilin, waa inaan u dirnaa odayaal si ay ugala xaajoodaan dhiggooda Soomaaliya si loo sii daayo odayaashaasi,” ayuu yiri sarkaal ka warqabay qorshaha Dowladda Kenya.
Illaa hadda lama oga sababta ka dambeysay weerarka afduub ee 5 odey dhaqameed lagula kacay, balse saraakiisha Kenya ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta inay iyagu ka dambeeyeen.
Booliska iyo dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in odayaashani ay la socdeen gaari ku sii jeeday Ceelwaaq, waxaana la weeraray oo laga afduubtay inta u dhaxeysa Bamba Owla iyo Ires Suki.