spot_imgspot_imgspot_img

Guddoomiye Aadan Madoobe oo James Swan Uga Waramay Xaaladda Dalka

Talaado 4, Feb 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiska kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulanka labada Masuul ayaa looga wada hadlay arrimo la xiriira wada shaqeynta Golaha Shacabka iyo Qaramada Midoobay, isaga oo James Swan bogaadiyay howlaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’antahay xoojinta taageerada Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ergayga warbixin ka siiyay howlaha shacabka gaar ahaan furitaanka kalfadhiga lixaad ee Golaha iyo arrimaha la xariira dhameystirka dastuurka KMG ah.

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan, ayaa muddooyinkii dambe waday kulamo gaar gaar ah oo la yeelanaayay madax hore iyo mas’uuliyinta dalka.

WARARKA