Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay doon looga shakisan yahay in ay katimid dhinaca dalka Yemen, taas oo waday darees iyo agabyo kale oo ay isticmaalaan ciidamada.
War kasoo bacay hawlgalka la-dagaallanka argagixisada ee maamulka Puntland , ayaa sheegay in ciidamada amniga gobolka Bari, ku guuleesteen in ay qabtaan doonta siday dharka tuutaha ciidamada iyo agabyo kale oo ay isticmaalaan ciidamada.
Maamulka Puntland warka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in doontaasi iyo raggii watay oo dhammaantood Soomaali ah lagu qabtay xeebta degaanka Qaw oo ka tirsan degmada Boosaaso.
“Ciidanku waxay gacanta ku hayaan oo baaritaan kuwadaan, Doon waday Tuute iyo Agabkale oo Ciidan iyo ragii watay, Doonta oo Raga wata ay Soomaali yihiin waxa laga qabtay Biyaha deegaanka Qaw ee Gobolka Bari” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Puntland.
Howlgalkan ay Puntland ku qabatay doonta waday agabka ciidan ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Bari gaar ahaan buuraha Calmiskaad ay ka socdaan howlgal ka dhan kooxda Daacish, waxa ayna Puntland howlgalkaasi ka gaartay guulo waa weyn.