spot_imgspot_imgspot_img

Dhaqtar Qalliin oo Kufsi Kula Kacay Carruur Bukaannadiisa ka Mid ahaa

Talaado 4, Feb 2025 {HMC}  Dhaqtar hore oo qalliinka ah oo lagu eedeeyay inuu tacaddi kula kacay boqollaal carruur bukaan ahaa, aalaaba xilli ay suuxsanaayeen, ayaa lagu wadaa in bishan dhexdeeda maxkamad lasoo taago waana maxkamadeyntii ugu darneyd ee tacaddiga carruurta ee soo marta taariikhda Faransiiska.

Joel Le Scouarnec, oo 73 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu tacaddi u geystay amaba kufsaday 299 carruur ah – oo badankood bukaannadiisa hore ahaa – intii u dhaxeysay sanadihii 1989 iyo 2014, badankoodna uu kula kacay magaalada Brittany.

Wuxuu qirtay qaar ka mid ah eedeymaha, balse maaha dhammaan.

Maxkamadeynta oo ka dhacaysa Vannes, waqooyi-galbeed Faransiiska, ayaa daba socota baaritaan booliis oo dheer oo socday dhowr sano.

Waxay u badan tahay in su’aalo aan la mahdin ay ka yimaadaan in Le Scouarnec ay difaacayeen saaxiibbadiis iyo maamulka isbitaallada ee shaqaaleysiiyay, iyadoo ay jirtay digniin FB-da ah oo dowladda Faransiiska ay uga digeysay in ninkan uu baari jiray baraha internet-ka ee tacaddiga carruurta, kadib markii keliya lagu xukumay xarig dib loo dhigay.

Fursado dhowr ah oo ku saabsan in dhaqtarkan qalliin ee hore laga joojiyo inuu xiriir la yeesho carruurta ayaa u muuqday kuwo la seegay amaba la diiday.

Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sidoo kale ogaa xaaladda Le Scouarnec ee tacaddiga carruurta balse way ku guul-darreysteen inay ka joojiyaan.

Le Scouarnec, oo mar ahaa dhaqtar qalliin oo la xushmeeyo magaalo yarna ka howl-geli jiray, ayaa xabsi ku jiray tan iyo sanadkii 2017, markaas oo loo xiray shaki laga qabay inuu kufsaday gabdho uu adeer u yahay, oo haatan da’da 30-meeyada ku jira, iyo sidoo kale gabar lix sano jir ahayd iyo qof bukaan oo da’yar. Sanadkii 2020 waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Kadib markii la xiray, booliiska ayaa baaray gurigiisa waxayna kasoo heleen qalab uu tacaddiyada carruurta ku geysan jiray, in ka badan 300,000 oo sawirrada carruur tacaddi loo geystay ah, iyo kumannaan feyl oo lagu ururiyay taariikhda bukaannada da’da yar ee Le Scouarnec la sheegay inuu tacaddiga kula kacayay in ka badan 25 sano.

Wuu beeniyay inuu tacaddi ama kufsi kula kacay carruur,

WARARKA