spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Muqdisho oo laga Dhagax Dhigay Beerta Umada ee Gobalka Banaadir

Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee Gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid loogu tala-galay helitaanka goobo nasiino iyo dalxiis oo bulshada ka wada dhaxeeya, taasi oo ardeyda, dalxiisayaasha iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada fursad u siineysa in ay isugu yimaadaan.

Mashruucaan ayaa laga hirgelinaya Degmada Waaberi gaar ahaan meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoona Munaasabadda dhagax dhigga uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mudane Maxamed Sayid Cali, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

WARARKA