spot_imgspot_imgspot_img

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo sharci darrana ku tilmaamtay Lacagta buugga caafimaadka.

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} War-saaafadeed kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyey go’aanka Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka, kaas oo la sheegay inuu dhaqan-gali lahaa 03 Febaraayo 2025.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay ku dhawaaqday in khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya dalka ay yihiin waxba kama jiraan, iyadoo xiganaysay sharciga Maamulka Dakhliga 2019 iyo Qaraarka Golaha Wasiirrada ee Maamulka Khasnadda Mideysan.

Waxay fartay dhammaan hay’adaha ay khusayso in si degdeg ah loo joojiyo ururinta khidmadaha noocaas ah.

Si kastaba ha ahaatee, maanta ayay ahayd markii ay wasaaradda caafimaadku ay soo rogtay awaamiirtan, taasoo saamayn ku yeelatay rakaabka dalka ka baxayay iyo kuwa soo galaya, iyadoo abuurtay cabasho badan iyo jahwareer.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA 

WARARKA