spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii ugu Dambeeyay Buuq ka taagan Garoonka Muqdisho.

Isniin 3, Feb 2025 {HMC}  Buuq muddo kooban taagnaa ayaa maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaddib markii dad safar dibadda u ahaa la isku dayay in lagu qasbo qaadashada tallaalka sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan.

Dadka rakaabka ah ayaa diiday in ay qaataan tallaal aanay horay loogu wargelin, qaar kale ayaa ku dooday in dadka xujeyda oo keliya loogu talagalay in ay qaataan oo ogaalkooda sidaas ahaa halka qaar kale ay sheegeen in aanay awoodin lacagta badan ee laga doonayo.

Ilo xilkas ah ayaa Mustaqbal u sheegay in markii ay is mari waayeen Shaqaalaha wax tallaalaya iyo Dadka rakaabka ah ee damacsanaa in ay dhoofaan ay kusoo baxeen mas’uuliyiin katirsan Dowladad Federaalka oo kolkii dambe fasaxay Dadkaas si ay usii wataan safarkooda.

Maxaa buuqa si gaar ah u dhaliyay?

Shaqaalaha Caafimaadka ee wax tallaalaya ayaa marka ay qofka tallaalaan waxa ay siinayaan buug muujinaya in qofkaas la tallaalay, kaddib waxaa laga doonayaa in uu bixiyo lacag dhan $45, halka qofka horay u tallaalnaa marka la xaqiijiyo laga doonayo $30 sida hadalka loo dhigay.

Dadka qaar ayaa ku dhowaaday in ay ka baaqdaan ama dib uga dhacaan safarkooda maadaama laga hor istaagay in ay ka gudbaan qaybta hubinta ugu dambeysa ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si ay u raacaan diyaaradda ay ku qornaayeen.

Weli wax war ah kama soo bixin Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qaybta Caafimaadka ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho si faah-faahin looga helo amarkaas cusub ee saameynta ku yeeshay Dadka rakaabka ah.

La soco wixii kasoo kordha

WARARKA