Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Axmed Xasan Aden Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ka socday Dowladda Turkiga kuwaas oo u yimid dalka sidii ay Maalgashi ugu samayn lahaayeen Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxaana ay dhamaytirayaan heshiis ay horey wasaaradda ay ula gashay Dowladda Turkiga.
Mas’uuliyiinta ayaa diirada ku saaray kulamadoodi hirgelinta heshiiskii difaac iyo iskaashiga dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo xoojinayay ka faa’iidaysiga kheyraadka badda.
Wasiirka iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah (Fisheries Cooperation Agreement, MoU) kaas oo horseedaya in qeybta Kalluumeysiga ay kasoo xarooto balaayiin doolar, islamarkaana hirgalin doona fursado wax ku ool ah oo lagu horumarinayo Kalluumeysiga guud ahaan dalka.
Wafdigaan ka socday Dowladda Turkiga ayaa dhinaca kale la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana ay ka mahadnaqeen fursadda loo siiyay inay maalgashi ku sameeyaan Xeebaha dalka.
Soomaaliya Baddeeda waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay biyaha ugu khayraadka badan ee galbeedka badweynta hindiya, sidaa darteed haddii si wanaagsan loo maalgeliyo Soomaaliya waxay kaalinta hore ka gali kartaa wax soosaarka kalluunka caalamka.