spot_imgspot_imgspot_img

Suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa oo gubtay

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab wayn oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan qaybta xigta deyrka waqooyi ee Idaacada, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka ayaa inta badan baabi’iyay suuqan oo ah kan labaad ee ugu wayn magaalada Hargeysa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo ku yaallay gudaha suuqaasi.

Ciidamada dab damiska Somaliland oo goobta gaaray ayaa mar dambe ku guuleystay xakamaynta dabka, waxaana hadda socda tirakoobka inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Sida uu sheegay taliyaha ciidanka dab damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili guud ahaan ciidamada dab damiska degmooyinka caasimada ayaa hawlgalkan ka qayb-galay, sidoo kale 26 gaari dab damis ah ayaa iyaguna ka qayb qaatay howlgalka.

“Alla Mahadii ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid cidhiidhi ah ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan. Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm” ayuu yiri taliye Axmed Sawaaxili.

Sidoo kale wuxuu ka ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka iyo dadka oo aad u badnaa, isaga oo fariin wacyigelin ah u diray bulshada Somaliland.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay Wasaarada Arrimaha Gudaha,Badhasaabka, Maayar xigeenka, Xoghayaha dawlada hoose, xildhibaanada, Dawlada hoose Hargeysa, Ciidamada Booliska, Ciidanka Military ga, Wasaarada Warfaafinta, Booyadaha Shacabka iyo dadweynaha oo iyaguna ka qayb qaatay dadaalka daminta dabkaasi.

Horay waxaa sidaan oo kale ugu gubtay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh iyo burbur wayn oo soo gaaray suuqaasi.

WARARKA