spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Dalka Suuruya oo Casuumaad Rasmi ah Ka Helay Dalka Turkiga.

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa Talaadada booqan doona Turkiga, taasoo noqon doonta safarkiisii labaad ee caalami ah tan iyo markii Bashaar Al-Asad xilka laga tuuray bishii December, sida ay shaacisay madaxtooyada Turkiga.

Axmed Al-Sharaa ayaa Axaddii booqday Sucuudiga, iyadoo Suuriya oo ay dagaallo ragaadiyeen ay raadineyso maalgelin ay ka hesho dalalka hodanka ah ee Khaliijka si ay dib ugu dhisto dalka looguna soo nooleeyo dhaqaalaha.

“Sharaa waxa uu Talaadada safar ku imaan doonaa Ankara kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaheena Recep Tayyip Erdogan,” ayuu yiri Fahrettin Altun, madaxa isgaarsiinta madaxtooyada Turkiga, oo farriin ku daabacay barta X (ee horey loo dhihi jiray Twitter) Isniinta.

Turkiga, oo xiriir dhow la lahaa Sharaa, ayaa dib u furay safaaraddiisa Suuriya, wuxuuna u diray madaxa sirdoonka iyo wasiirka arrimaha dibadda si ay ula kulmaan hoggaamiyaha cusub kaddib markii kooxda Xayaat Tahrir al-Sham (HTS) ee xididada Islaamiga ah leh ay xilka ka tuurtay Bashaar Al-Asad.

Wadahadallada Erdogan iyo Sharaa ee madaxtooyada Ankara ayaa diiradda saari doona “tallaabooyinka wadajirka ah ee lagu horumarinayo dhaqaalaha, xasilloonida waarta iyo ammaanka Suuriya,” sida uu sheegay Altun.

“Waxaan aaminsannahay in xiriirka Turkiga iyo Suuriya, oo dib loo yagleelay kaddib markii Suuriya xorriyaddeeda dib u heshay, uu sii xoogeysan doono islamarkaana yeelan doono wajiyo cusub,” ayuu sii raaciyay.

WARARKA