spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Sida loo fuliyo duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya.

Isniin 3, Feb 2025 {HMC}  Soomaaliya waxa ay muddo dheer la dagaallameysay kooxo dalalka galbeedku u diwaangaliyeen argagixiso oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish. Kooxahan ayaa ku lug leh weerarro joogto ah oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caalamiga ah ee ka howlgala dalka.

Mareykanka ayaa door muhiim ah ka ciyaara dagaalka ka dhanka ah kooxahan, isaga oo duqeymo cirka ah iyo hawlgallo khaas ah ku fuliya kooxahan.

Duqeymuhu waxay ka mid yihiin istiraatiijiyad dagaal oo badanaa Maareykanku ka fuliyo dhulka Soomaaliya, waxaana loogu talagalay in lagu joojiyo awoodda kooxahan iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya weerar toos ah.

Maqaalkan wuxuu diiradda saarayaa habka iyo farsamooyinka loo adeegsado duqeymaha uu Mareykanku fuliyo ee la midka ah tii Daacishta Soomaaliya lagu beegsaday kowdii bishan Febraayo.

Waxaan kaloo ku eegi doonnaa sida duqeymuhu u dhacaan, noocyada ay yihiin, iyo caqabadaha laga yaabo inay ka dhashaan, gaar ahaan marka la eego saameynta ay ku yeelan karaan dadka rayidka ah.

Mareykanku wuxuu duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya u qaybiyaa laba nooc oo waaweyn: duqeymo qorsheysan (deliberate strikes) iyo duqeymo difaac (defensive strikes).

Duqeymaha Qorshaysan: Noocan duqeymaha ah waa kuwo si habeysan loo qorsheeyo ka hor inta aan la fulin. Waxaa la sameeyaa baaritaanno sirdoon oo dhameystiran oo ku saabsan kooxda la beegsanayo, gaar ahaan baaritaanka xogta la xiriirta guutooyinka iyo hoggaamiyeyaasha kooxdaas.

Xogtaas waxaa lagu helaa ilo kala duwan sida baaqyo ay soo diraan ciidanka dhulka jooga, wararka laga helo dad xog keena, sawirro ka imaanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo ilo kale sida dayax-gacmeedyada (sattelites.)

Xogtaas ayaa marka dambe loo isticmaalaa si loo xaqiijiyo in bartilmaameedku uu yahay dagaalyahan sharci ah (la badigoobayo), sida uu dhigayo sharciga dagaalka caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa inta badan bixiya amarka ugu dambeeya ee fulinta duqeymahan.

Qareennada militariga ayaa hubiya in bartilmaameedka la beegsanayo uu yahay dagaalyahan sharci ah. Sida xeerka dagaalka calaamiga ah uu dhigayo, dagaalyahan sharci ah waxaa loola jeedaa qof si toos ah uga qayb qaadanaya dagaal ama si rasmi ah uga tirsan koox dagaalamaysa oo xifaaltan kula jirta Mareykanka ama xulafadiisa.

Duqeymo Difaac: Noocan duqeymaha ah waxaa la fuliyaa marka ciidamada Mareykanka ama saaxiibadooda ay la kulmaan khatar degdeg ah oo kaga imaanaysa kooxaha ay dagaalka kula jiraan.

Nidaamka loo raaco waa mid ka fudud nidaamka duqeymaha qorsheysan, wuxuu ku saleysan yahay xog sirdoon oo degdeg ah oo muujinaysa in khatartu ay tahay mid dhab ah.

Taliyayaasha dagaalka ayaa go’aan degdeg ah ka gaaraya, iyagoo ka fiirsanaya xeerarka caalamiga ah ee dagaalka iyo ilaalinta dadka rayidka ah.

Saameynta Rayidka iyo Dhibaatooyinka Ka dhasha Duqeymaha

Inkasta oo ay duqeymuhu yihiin kuwo aad loo qorsheeyo oo habraacyo badan laga maro, haddana mararka qaar waxaa dhici kara khaladaad galaafta nolosha dad kale oo rayid ah.

Khasaaraha rayidka ah ayaa noqday dhibaato weyn oo badanaa laga cabsi qabo in lala kulmo, gaar ahaan marka bartilmaameedyada la beegsanayo ay ku dhex jiraan dad aan hubeysan.

Muddadii u dhaxeysay 2017 ilaa 2019, Mareykanku wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 196 duqeyn oo kala duwan, kuwaas oo loo adeegsaday diyaaradaha drones-ka iyo diyaaradaha duuliyaha leh.

Warbixin Amnesty International soo saartay ayaa sheegtay in duqeymo badan oo Maraykanku fuliyay ay ku dileen dad rayid ah, oo ay ka mid yihiin 21 qof oo dhintay iyo 11 qof ku dhaawacmay.

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya waxay noqonayaan marba marka ka danbeysa kuwo aad u qorsheysan oo ka dhan ah kooxaha dagaalka lagu la jiro ee Daacish iyo Al shabaab.

Hay’adaha Amnesty oo kale waxa ay xaqiijinayaan in ay lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo xeerarka caalamiga ah ee dagaalka si loo yareeyo khasaaraha iyo in la hubiyo in dadka rayidka ah aan loo geysan dhibaatooyin aan loo baahneyn.

XIGASHO BBC

WARARKA