spot_imgspot_imgspot_img

Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in ay la garab istaagayo Dadkii ku hanti waayay Suuqa Idaacadda

Isniin 3, Feb 2025 {HMC}  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo tagay suuqa gobonnimo oo sidoo kale loo garan ogyahay Suuqa Idaacadda oo xalay dab xooggan uu gubay goobo Ganacsi oo suuqaas kamid ah.

Cirro ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Dadka dhibaatadu kasoo gaartay Dabkaas, waxaana uu la shiray Guddi farsamo oo soo gudbin doonna khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay iyo sida lagu gacan qabo Dadkaas si ay uga soo kabtaan.

“Dhibta waxa aan la qaybsaneynaa Dadkii hantidooda ku gubatay Suuqa Gobannimo ee Suuqa Idaacadda, hoos Ayaan u eegi doonnaa dabka soo noqnoqday, waddooyinka & sida uu suuqa u dhisan yahay wax laga baddelo waajib bay nagu tahay” Cabdiraxmaan Cirro, Madaxweynaha Maamulka Somaliland.

Khasaaraha tira-koob rasmia ah lagama diiwaangelin waxaa socda qiimeyn ay ku howlan yihiin xubno isugu jira Ganacsatada Suuqa Idaacadda, Dowladda Hoose ee Hargeysa & Xafiiska Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro sida ay wararku sheegayaan.

WARARKA