spot_imgspot_imgspot_img

Booliiska Soomaaliya Oo Amaro Culus dul dhigay Shirkadaha & Shaqaalaha Ajaanibta ah.

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} War kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa Ganacsatada, Shirkadaha aan Dowliga ahayn, Shirkadaha iyo Shaqaalaha ajaanibta lagu faray in ay qaataan Warqadda dambi laโ€™aanta ee waaxda dambiyada u qaabilsan ee C.I.D.

Afhayeenka Booliiska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in xogaha la helay ay muujinayaan in waxa uu ugu yeeray โ€˜Argagixisadaโ€™ ay dhexmarayaan Ganacsatada si looga hortagana loo qaaday tallaabadaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhaqangalka amarkaan ayuu sheegay in uu billaaban doonno 10ka Febaraayo 2025 oo ah Isniinta todobaadka dambe, waxa uu tilmaamay in lala xisaabtami doonno cid weliba oo diidda fulinta amarkaan ama u marta sifo qaldan sida uu yiri.

โ€œDhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqadda dambi laโ€™aanta ee C.I.D. sidaas oo kale waxaa Shirkadaha & Ganacsatada la farayaa in ay qaataan warqaddaas, Warqaddaan waxa ay caddeyn u tahay in Ganacsigaas ama shirkaddaas aanay ku lug lahayn kuna jirin maalgelinta Argagixisada, xogaha la helayo ayaa muujinaya in kooxaha Khawaariijta ah lacagihii laga xayiray ay dhexmarsanayaan Shirkado iyo Ururroโ€ Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aasan Xasan.

Gaashaanle Cabdifitax ayaa sheegay in diiwaangelintaan laga doonayo Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ururrada aan faaโ€™iido doonka ahayn, Shirkadaha Isgaarsiinta, kuwa dhismaha, Hoteellada, Duullimaadka, Caafimaadka, guryaha kireeya & kuwo kale.

WARARKA