Axad 2, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharac ayaa Axadda maanta ah socdaalkiisii ugu horreeyay ee dibadda ku tagay Sacuudi Carabiya, tallaabo u muuqata in Dimishiq ay ka fogaaneyso Iran oo ahayd xulufada ugu weyn gobolkaas.
Axmad al-Sharac, oo mar xiriir la lahaa kooxda al-Qaacida, ayaa ka degay Riyadh isagoo la socda wasiirkiisa arrimaha dibadda, Ascad al-Shaybaani. Labada mas’uul waxay safarkooda ku tageen diyaarad Sacuudiga laga leeyahay, iyadoo calanka Sacuudiga uu ka muuqday miiska ka dambeeya.
Telefishinka dowladda Sacuudiga ayaa si weyn u shaaciyay in socdaalka ugu horreeya ee al-Sharac—oo markii uu dagaalka kula jiray maamulka Bashaar al-Asad loo yaqaanay Abu Mohammed al-Golani—uu Riyadh noqday.
Calanka Suuriya ayaa la garab suray calanka Sacuudiga markii al-Sharac uu kasoo degay diyaaradda isagoo xiran suudh iyo taay. Wuxuu qorsheynayaa inuu la kulmo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, oo ah hoggaamiyaha dhabta ah ee boqortooyada.
Sacuudi Carabiya waxay ahayd mid ka mid ah dalalka Carabta ee maalgeliyay kooxaha mucaaradka ee isku dayay inay xukunka ka tuuraan madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashaar al-Asad, ka dib markii dibadbaxyadii Gu’gii Carabta ee 2011 ay isu bedeleen cabburin dhiig badan ku daatay. Si kastaba ha ahaatee, kooxaha mucaaradka ah ayaa la jabiyay, iyadoo Asad uu taageero ka helay Iran iyo Ruushka, taasoo keentay in dagaalku uu noqdo mid aan guul cad laga gaarin.
Xaaladdaas ayaa is bedeshay kaddib duullaankii bishii December ee degdegga ahaa ee Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) ee uu hogaaminayay al-Sharac. Kooxdan waxay horay xiriir ula lahayd al-Qaacida balse waxay si rasmi ah u shaacisay inay ka go’day ururkaas.
Tan iyo markaas, al-Sharac iyo kooxda HTS waxay si xeel dheer u wanaajiyeen sumcaddooda. Waxa uu sidoo kale xilal u magacaabay haween, wuxuuna isku dayay inuu xariir la yeesho bulshada Kiristaanka iyo Shiicada Calawiyiinta ee Suuriya.
Dhinaca kale, Suuriya waxay si tartiib ah iskaga fogeyneysaa Iran iyo Ruushka. Iran weli dib uma furan safaaraddeeda Dimishiq, taasoo horey u ahayd xarun muhiim ah oo ay kaga shaqeyso “Xariirka kooxda iska caabbinta” ee ay ku mideysanaayeen Suuriya, Xisbullah-da Lubnaan, iyo kooxo kale. Dalka Ruushka ayaa isagu doonaya inuu sii haysto saldhigyada cirka iyo badda ee uu Suuriya ku leeyahay, balse waxa uu magan-gelisay Asad markii uu ka cararay dalka xilligii duullaankii HTS.
Talaabooyinkan cusub ee ay qaadaneyso dowladda kumeelgaarka ah ee Suuriya waxay u muuqdaan kuwo loogu gogol xaarayo sidii cunaqabateynta Mareykanka iyo Reer Galbeedka looga qaadi lahaa Suuriya.
XIGASHO VOA