spot_imgspot_imgspot_img

Xogta diyaarad Drone ah oo lagu arkay Madaxtooyada Somalia iyo rasaas lagu riday.

Sabti 01 Feb , 2025 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo xalay lagu arkay hawada sare ee Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo sidoo kale laga maqlay rasaas xooggan.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaaradda oo ahayd Drone ay laba mar kusoo laabatay agagaarka Villa Somalia, kadibna waxaa ka shakiyay ciidamada ammaamka oo rasaas ku furay.

Cabsi wayn ayaa la dareemay, waxaana looga shakiyay in diyaaraddu sidday qaraxyo, ujeedkeeduna uu ahaa inay bartilmaameedsato Villa Somalia oo si weyn loo ilaaliyo.

Ciidamada ilaalada ee xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa la sheegay inay qoray Dhashiikaha u adeegsadeen diyaaradda, kadibna ay sidaasi ku carartay, waxaana rasaasta si weyn xalay looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan diyaaraddaas oo shaki wayn gelisay reer Muqdisho iyo laamaha ammaanka Soomaaliya.

Dhowaan ayaa waxaa soo baxay digniino sheegaya in suuragal ay tahay in Al-Shabaab ay adeegsan karto diyaarado Drone ah oo qaraxyo sida, sida lagu sheegay warbixinno kasoo baxday hayā€™adaha caalamiga ah ee deggan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Maalmo kahor ayay ahayd markii ay Puntland soo ridday diyaarado qaraxyo laga soo buuxiyay oo ay Kooxda Daacish dooneysay inay ku beegsato ciidamada maamulkaasi ee haatan howlgallada culus ka wada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

WARARKA