Sabti 01 Feb , 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Jamhuuriyadda Turkiga Janaraal Metin Gürak ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaa la socda mas’uuliyiin katirsan Ciidamada Dalkaas, safarkiisa Soomaaliya ayaa daaran dhowr arrimood.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xilkas ah, Taliyaha Ciidamada Turkiga waxa uu kulan gaar ah la qaadan doonnaa Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Taliska Ciidanka Xoogga, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Macallimiinta dalkaas u dhashay ee TurkSom jooga.
Metin ayaa ka qaybgeli doonna xafladda qalin jebinta ku dhowaan 6,000 oo askari oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka kuwaas oo tababar ciidan ku qaatay Xerada ay caawiso Dowladdiisa ee lagu diyaariyo ciidamada loo tababaro Soomaaliya.
Ankara oo heshiis dhinaca ilaalinta badda ah la gashay dhiggeeda Muqdisho ayaa xoogga saareysa ka salgaarista heshiiskaas iyo kuwo kale oo labada Dal horay u wada galeen si Soomaaliya looga caawiyo adkeynta amniga.
Turkiga ayaa horay u ballanqaaday in uu xoojinayo cilaaqaadka kala dhaxeeya Soomaaliya, Ankara ayaa tilmaamtay in ay kaalin weyn ka qaadaneyso dib u dhiska iyo qalabaynta Ciidamada si ay uga guuleystaan caqabadaha kahor imaan kara.
Kaalmo gargaar bani aadamnimo oo uu kasoo aasaasmay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa isku baddelay mid Ganacsi, Militari & kuwo kale, maalgashiga Ankara ee Muqdisho ayaa lasii saadaalinayaa marka laga tusaale qaato sida ay wax u socdaan mid xooggeysan kara.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhowaan lagu wadaa in uu safar muddada uu qaadanayo aan sheegin ku yimaado Magaalada Muqdisho si uu ula kulmo Dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.